Booliska Kenya iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay Mandheera

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Mandheere (Horumar Online) – Israsaaseyn ku dhexmartay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo booliska Kenya degmada Mandheera ayaa waxaa ku dhintay hal qof.

Is rasaaseynta oo dhacday xalay fiidkii ayaa waxay dhex martay khaas ahaan boolis ilaalo u ah gobernatooraha degmada Mandheera Cali Roba iyo maleeshiyadaadka Al-Shabaab dabley ka tirsan. Qofka dhintay ayaa ahaa ilaalo ama waardiye.

Ninka dhintay ayaa waxaa ku dhacday xabbad habow ah asagoo ilaalinaayay dugsi hoose oo magaaladaa ku yaala.

Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro badan ku soo qaadeysay Kenya laga soo bilaabo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close