Dhageyso: Sida uu ku bilowday Weerarkii Al-Shabaab ee Afgooye!

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Afgooye (Horumar Online) – Ugu yaraan 10 ruux, ayaa lagu waramaya inay ku dhinteen, tiro kalena ay dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, gelinkii dambe ee maanta, sida ay goob joogayaal u sheegeen laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Weerarka, ayaa la tilmaamay in uu ku billowdey qarax, dabadeena ay maleeshiyaad Shabaabka ka tirsan gudaha u galeen qeyb ka mid ah saldhigga booliska.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah.

Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen muddo kooban magaalada inteeda badan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close