Dhageyso: Puntland oo si kulul uga hadashay Xaaladda Gaalkacyo & wararkii ugu dambeeyay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Maalmihii u danbeeyey waxaa soo baxaayey warar qaar kamid ah saxaafadda Soomaalidu ay qortey oo ah in uu jiro wada hadal iyo heshiis, kaas oo ay kamid tahay in Puntland ay joojiso maxjarkii ay dhulkeeda ka dhiseysey.

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ku tilmaamey mid masuuliayad darro ah warar aan jirin in saxafaaddu waddo weliba Raadiyaasha qaarkood ay u baahiyeen si masuuliyad darro ah.

Wuxuu meesha ka saarey in ay jirto cid is aragtey iyo wada hadal socda, isaga oo tilmaamey in albaabka wada-hadlu furan yahay.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Wasiirka Deegaanka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in albaabka wadahadalku furan yahay, nabadna aysan diidin, si xal loogu helo dhibaatada soo noq-noqotey, Wadahadalka Gaalkacyo ayuu sheegay in dadka ehelkeedi ay ka wada hadlaan.

Puntland go’aankeedu waa in dadka fahmi kara dhibta taagan ay ka wada hadlaan reer Gaalkacyo ayey u taalaa xalku, guddiyo ay ku jiraan Madaxda dhaqanka ganacsatada iyo culimaduba ku jiraan ayaana muhim ah in ay iska arkaan dhibta taagan.

Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in aysan dooneyn nabad siyaasadeysan oo meelo kale loola guuro, oo dano siyaasadeed lagu gaaro sida uu hadalka u dhigay iyada oo magaalooyin kale loo xawilaayo.

Galmudug ayaa soo dirtey wefdi uu hoggaaminaayo Wasiirkeeda Amniga ninka la dhaho CismaanTaardhuleed oo hadalo aad u xanaf badan warbaahinta u marinaayey Puntland, isaga oo aan ahayn reer Gaalkacyo.

Wasiirka Deegaanka ayaa baaq u direy dadka iska qaxaya waxaana uu ugu baaqey in aysan sidaas yeelin magaaladu waa caadi noloshuna waa caadi, suuqayadu waa furan yihiin, isbitaaladu waa shaqeynayaan,  banaanka aad u baxdeen ayaa ka xun magaalada, cidda qixineysa ee wax soo tuureysana waa la yaqaanaa ee dadka haka daayaan. “Galmudug weerar kuma nihin haddii aysan iyagu nagu kalifin” ayuu yiri Dr. Cali Cabdullaahi.

Dhanka kale Dr. Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in Maxjarka hawlihiisi socdaan, muddo 7 maalmood ahna uu so geba-gebeebayo, ayna tahay go’aan Puntland.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close