Syria: Ruushka oo joojiyay duqeyntii bariga Xalab uu ka waday

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Wasiirka difaaca dalka Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamadooda iyo kuwa Suuriya ay joojiyeen duqeyntii ka wadeen Xalab.

Tallaabadan ayaa imaaneyso laba maalmood ka hor xilligii la qorsheeyay in duqeynta la joojiyo.

Ma jirto wax faafaahin dheeraad ah oo ay Ruushka ka bixiyeen arrintan, balse u jeedada guud waxa ay tahay in shacabka iyo mucaaradka ay ka baxaan qeybta go’doonsan ee Xalab.

dagaalka-syria_horumar_online

 

Waxaa loo furay laba marina ama wado oo ay ka bixi karaan inta lagu guda jiro sideeda saacadood ee duqeynta ay hakadka ku jirto.

Isniintii, Wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub waxay si adag u cambaareeyeen xukuumadda Moscow oo ay ku eedeeyeen in dhibaato aanan laga sheekeyn karin ka geysteen Xalad.

Waxay intaasi ku dareen in tallaabada noocaas ah ay keeni karto dembiyo dagaal.

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close