Home WARARKA MAANTA XOG: Musharrax ka baxay Tartanka Aqalka Sare ee BF Soomaaliya +(SABAB)

XOG: Musharrax ka baxay Tartanka Aqalka Sare ee BF Soomaaliya +(SABAB)

SHARE

Garoowe (Horumar Online) – Murashaxa Maxamuud Cali Siciid “Gumbe” oo ka mid ahaa Liiska Xubnaha aqalka Sare  ee  uu soo magacaabay madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka baaqsaday inuu u tartamo xubintaas.

Mudane Guumbe, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta PDRC ee Garowe wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib markii uu kulan wadatashi ah la yeeshay beeshiisa , kaasi oo ay kaga codsadeen inuu ka tanaasulo tartanka.

Wuxuu sheegay in qaybta ay kaga jiraan liiska aysan wax shaqo ku lahayn oo lagula tartansiyay  xubne kale oo ka socday Beelo kale oo soomaaliyeed  oo degaanka ah, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee uu uga baxay tartanka Aqalka Sare.

musharray-cumbe

“ Qaybta aanu kaga jirno liiska oo aanan shaqo ku lahayn, sida loo qaabeeyay dadka kale ee tartanka ku jira, waxaanu filaynay in qaybta aanu kaga jirno tartanka ay noqoto mid aanu annagu gaar u leenahay oo reerku iska leeyahay, Waxaa la isku daray dad kala gadisan oo kala qabaa’il ah, taas ayaana sababta ugu weyn ah “ ayuu yiri Gumbe.

Maxamuud Cali Guume  oo xubinimada aqalka sare kula tartamayay  Gen Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Bootaan Bare Samatar, wuxuu ka mid noqonayaa xubno kale oo siyaasiyiin ah oo madaxweynuhu ku soo daray Liiska tartamayaasha Aqalka Sare ee barlamaanka, kuwasoo isaga baxay inay ku tartamaan matalaada Aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka ee qoondada Puntland.

Maxamuud Cali Siciid wuxuu muddo dheer ka soo shaqaynayay Hay’adda Diokonia oo fadhigeedu yahay magaaladda Garoowe, wuxuu hadda cilmi baare sare ka yahay Hay’adda PDRC

Maalinta khamiista oo ku beegan 20 bishan October 2016 ayaa la filayaa in xubnaha la horgeeyo barlamaanka Puntland, halkaasi oo lagu kala saari doono, laguna soo xuli doonaa 11ka xubnood ee Puntland u matalaya Aqalka Sare ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

SHARE