Home WARARKA MAANTA XOG: Suuragal ma tahay in lagu shubto doorashada Mareykanka?

XOG: Suuragal ma tahay in lagu shubto doorashada Mareykanka?

SHARE

Washington (Horumar Online) – Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu ku andacoonayaa in “Isdabamarin dhanka codadka ah” ay ka jirto dalka Mareykanka. Balse, suuragal ma tahay in lagu shubto doorashada Mareykanka?

Kooxda u ololeyneysa Donald Trump waxa ay sheegayaan in “doorashada la xadayay” muddo bilooyin ah, waxayna eedeynayaan warbaahinta oo ay ku sheegeen daacad darro iyo aaminaad xumo.

Sidoo kale saxaafadda ayey ku tilmaameen inay garab siinayaan Hillary Clinton, si xisbiga Jamhuuriga looga adkaado doorashada.

trump-hillary

Laakiin hadda hadalkaasi wuxuu gaaray meeshii ugu sarreysay. Donald Trump ayaa waxa uu billaabay dood dhanka Twitter-ka ah oo uu ku xoojinaayo eedaha uu soo jeedinayo.

Dooda Mr Trump ee ah in “Doorashada lagu shubanayo” waa eeddii ugu halista badneyd ee uu Trump usoo jeediyo.

Kaligii kuma eko dareenkaasi. Taageerayaasha Jamhuuriga, seddax meelood meel oo kali ah ayaa aaminsan in doorashada ay tahay mid xaq ah, sida ay xustay wakaaladda wararka ee AP.

Si kastaba, cilmi baaris la sameeyay ayaa waxa ay muujineysaa in dalka Mareykanka aanan si weyn looga aqoon in codadka doorashada la xado.

Sanadkii 2014, Justin Levitt, oo ah xirfadle ka tirsan iskuulka sharciga ee Loyola, waxa uu helay 31 kiis oo la xiriira isdaba marin codad oo ku saabsanaa hal bilyan oo codad doorashooyin dhacay intii u dhexeysay 2000 illaa 2014-kii.

Fikradda ah in doorashada Mareykanka lagu shubto ma ahan mid “qalafsan”, “mana loo xadi kara qaabka uu Trump sheegayo,” sidaasi waxaa sheegay Richard Hasen oo ah khabiir ku takhasusay sharciga doorashada.

“Ma suuragali karto in kumannaan qof ay 5, ama 15 jeer codeeyaan, ayagoo aanan la qaban,” ayuu yiri Prof. Richard.

Qofka codeynaya waxaa laga doonayaa kaarka codbixintaImage copyrightALAMY
Image captionQofka codeynaya waxaa laga doonayaa kaarka codbixinta

Saraakiisha doorashada ee dalka Mareykanka awoodoodu waa mid baahsan. Gobol kastaa wuxuu qabaa shuruucdiisa u gaarka ah, waxaana kor meeraya shaqaalaha guddiga doorashada.

Gobolka Philadelphia ayaa sanadkii 2012kii baaritaan lagu sameeyay ka dib markii musharrixii madaxtinnimo ee Jamhuuriga Mitt Romney uu hal cod xittaa ka heli waayay 59 xarumood oo magaalada ku yaalla.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa arrintaasi baaritaan ka dib ku qancay in wax isdaba marin aysan dhicin.

Hadaba ma dhici kartaa in doorashada la xado?

Arrinta muhiimka ah ee ku jirta hadalka ololaha Trump uu soo jeedayay ee ku saabsan ku shubashada ayaa waxa ay tahay inay jiri karto in dad ay codeeyaan marar badan maalinta doorashada, taas oo cilmi baarista ay muujineyso inay ka mid tahay isdaba marinta ugu yar, sida uu qabo Prof. Mayer

Waxa uu sheegay in musuqa ugu badan ee doorashada ay sameeyaan saraakiisha doorashada.

Waxaa dhici karto inay u xadaan hab la xiriira sanduuqyada codeynta ama codad lawaayay iyo codbixiyayaasha maqan.

Laakiin isdaba marinta noocaas ah ayaa sii yaraaneysa, sababtoo ah laamaha cadaaladda ayaa si fudud ula dagaallama, ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
horumaronline@gmail.com

SHARE