Home Dhacdooyinka DAAWO: Faroole ”Anigu Jabhadihii kuma jirin, Aqalka sare waa isbaaro loo dhigayo...

DAAWO: Faroole ”Anigu Jabhadihii kuma jirin, Aqalka sare waa isbaaro loo dhigayo wixii xun”

SHARE

Garoowe (Horumar Online) – Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) Madaxwaynihii hore ee maamulka Puntland oo Hada ah Musharax u taagan Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa Khudbad uu ka jeediyey Baarlamanka Puntland wuxuu usoo bandhigay Qorshihiisa iyo Sababta ku dhalisay inuu Xilkaasi Isku taago.

Faroole ayaa Wuxuu sheegay inuu ahaa Nabadoon, islamarkaana aanu kamid noqon Jabhadihii iyo Guulwadayaashii Soomaaliya soo maray, Wuxuuna sharaxaad ka bixiyey Aqalka sare, Isagoo soomaalida igu Sifeeyay inay taqaano isbaarada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-ga

”Aqalka sare waa isbaaradii loo dhigayey wixii aan Soomaaliya u fiicnayn, waxaan idinka Codsanaayaa inaad dad Soomaaliya u Cuntama oo dhibka dalka ka saara aad soo Xushaan” Ayuu yidhi faroole.

Mudane Faroole ayaa sheegay inay isku taagi doonaan Midnimada Soomaaliya iyo Hor taga Colaada, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalada magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

SHARE