Home Dhacdooyinka Dhageyso: Maxaad kala socotaa Sababta loo xiray Weriyaha ALJareera ee Muqdisho

Dhageyso: Maxaad kala socotaa Sababta loo xiray Weriyaha ALJareera ee Muqdisho

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa duleedka Magaalada Muqdisho, waxa ay ka xireen Suxufiyiin u shaqeeya Tv-ga caalamiga ah ee Al-Jazeera, sida uu xaqiijiyay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Suxufiyiintaan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Magaalada Jowhar, waxaana ay maraayeen Duleedka Muqdisho, iyaga oo doonaya inay soo galaan Xamar ayaa la qabtay.

Maxamed Ibraahin Macalimuu Xoghayaha NUSOJ, ayaa sheegay inuusan haynin ilaa hada sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xariga loo geystay Suxufiyiintaasi.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSI

Suxufiyiinta Al-Jazeera ka shaqeeya ee la xiray waxaa ka mid ah Xamze Mohamed, Sawir qaade ka tirsan Tv-ga iyo sidoo kale nin darawal ah oo gaariga u kaxeynaayay Wariyeyaasha.

laa hada lama oga meesha lagu xiray Suxufiyiintaasi iyo nooca uu yahay kiiska loo haysto ee sababay inay xiraan ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Nabad Suggida Somaliya ayaa sidoo kale xabsiga ka sii deysay Cabdi Guuleed oo ku magacdheer Caano Geel, kaasi oo ah Tifaftiraha Wargeyska Xog ogaal ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho.

Maxamed Ibraahin Macalimuu Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ, ayaa sheegay dadaal dheer kadib inay ku guuleysteen sii deynta Suxufigaasi.

Somaliya oo xilligaan isku diyaarinaysa qabsoomida Doorasho dalka ka dhacda, ayaa dhinaca kale waxaa jira in Bahda Saxaafadda ay la kulman caqabado badan oo kaga imaanaya awooda Maamul ee dalka ka jirta.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE