Marwada Madaxweynaha Dalka oo kaalmo lacageed gaarsiisay fanaanka Cabdi Tahliil

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Marwada Madaxweynaha Dalka  ayaa  deeq  lacageed  gaarsiisay  Fanaanka Cabdi Tahliil  Warsame  oo  ku xunuunsanaya  magaalada  Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cali Cawaale Dr Xabeeb iyo Maamo Naleey oo wakiil uga ahaa deeqda lacageed Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa sheegay in fanaanka ay soo gaarsiiyeen kaalmo lacageed oo u soo wakiilatay Marwada Madaxweynaha, ayna Alle uga baryayaan in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Xamdi Cabdi Tahliil Warsame oo ah gabadha uu dhalay Fanaanka Cabdi Tahliil ayaa marwada Madaxweynaha uga mahadcelisay deeqda lacageed ee ay soo gaarsiisay Aabaheed, waxaana ay sheegtay in Aabaheed uusan si toos ah cuntada u qaadan karin, balse faleebo hada wax lagu siiyo.

“Waan Mahadcelinaynaa Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, runtii dhowr jeer ayay halkan nagu soo booqatay, tan kale Aabe hada faleebo unbaa cuntada lagu siiyaa, waxaan codsaneynaa in caafimaad dibada ah loo raadiyo Aabe Cabdi Tahliil Warsame” ayay tiri Xamdi.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa sheegtay in xaaladda fanaanka Cabdi Tahliil ay ka warqabeen, haatanna ay go’aansatay inay markale caawiso, iyadoo Alle uga bariday in uu caafimaad siiyo Fanaanka iyo inta kale ee Soomaaliyeed ee xanuunsan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close