Nabad Sugidda oo xirtay Weriye Xamze oo u shaqeeya TV-ga ALJAZEERA

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Xamze Maxamad oo ah weriye ka tirsan telefishanka saldhigiisu yahay Dooxa ee Al-Jazeera qaybtiisa ku hadasha af ingiriiksa.

Weriyaha ayaa laga qabtay duleedka Muqdisho sida ay sheegeen ilo ku dhaw hay’adda sirdoonka qaranka. waxaana weriyaha lala xiray sawir qaade la socday iyo nin darawal ah.

Hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ma aysan sheegin sababta ay u xirtay weriyaha balse ilo madax bannaan ayaa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in loo haysto weriyaha iyo kooxda la socotay inay warar ka soo duubeen Ururka Al-Shabaab oo maamusha deegaano ka tirsan konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

wariyaha-aljaziira-xamza-maxamed_horumar_online

Dhinaca kale hay’adda NISA waxa ay sii daysay tifaftirihii wargeyska Xog-Ogaal Cabdi Aden Guuleed kadib markii uu xabsiga ku jiray tan iyo sabtidii la soo dhaafay.

Ma jirto maxkamad la horkeenay tifaftiraha iyo dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay oo warbaahinta loo soo bandhigay.

Warbixin dhawaan ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu khatarta badan ee weriye ka shaqeeyo adduunka oo dhan iyadoo tan iyo 2012 kii lagu dilay inkabadan 30 weriye.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close