TOP NEWS: Donald Trump oo casuumay Obama walaalkiis & Dood xiiso leh oo caawa ka …

Filed under: WARARKA MAANTA |

Las-Vegas (Horumar Online) – Musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa ku casumay madaxweyne Barack Obama walaalkii in uu ka mid noqdo martida ka qeyb galeysa dooda seddaxaad ee ugu dambeysa ee uu caawa Las Vegas kula yeelanayo Murashaxa ay ishayaan ee Hillary Clinton.

Malik Obama oo ah Muslim haysta dhalashooyinka Mareeyka iyo Kenya ayaa u sheegay jaraa’idka New York Post in uu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb qaadashada dooda wuxuuna sheegay in uu aaminsan yahay in Donald Trump uu Mareykanka isbadal u keeni doono.

Bishii July, wuxuu sheegay inuu u codeyn doono xisbiga Jamhuuriga, wuxuu ku eedeyay madaxweyne Obama in uusan wax u qaban dadka Mareykanka iyo qaraabadiisa Kenya ku nool oo rajo ka qabeen inuu wax badan u qabto markuu xilkii madaxweynaha qabtay.

malik-obama-donald-trump

Malik Obama ayaa beeniyay eedeymaha ay dumar u jeediyeen Donald Trump ee ahaa inuu ku xadgudbay.

”Ma aaminsani, sababtoo ah maxay xilli hore isu soo bandhigi waayeen?” ayuu yiri

Hadalladaasi ka dib Trump ayaa u sheegay jaraa’idka in uu jecel yahay inuu la kulmo Malik Obama

Madaxweyne Obama walaalkii waxa uu isku deyay inuu siyaasadda ku biiro ka dib markii sannadkii 2013 u tartamay kursiga barasaabka gobolka Siaya ee dalka Kenya.

Barack Obama wuxuu ku dhashay Gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka. Hooyadii waa Mareykan abahiisana waa Kenyaan dalkiisa ka tagay isagoo laba sano jir ah.

Obama wuxuu booqday Kenya sanadkii hore, booqashadaasi oo ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii uu madaxweyne uu ka nqoday Maraykanka 2009-kii.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close