UPDATE: Tirada Dhimashada ee dagaalkii Afgooye oo Korodhay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Afgooye (Horumar Online) – Tirada dhimashada dagaalkii shalay Afgooye ka dhacay ayaa sare u kacday.

Tirada ayaa haatan gaadhay 11. Dagaalka ayaa ku bilowday qarax gaari lagu soo rakibay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira shaqaale dawlada Soomaaliya u shaqeynaayay. Qaraxa ayaa waxaa daba socotay rasaas xooggan ayadoo goobaha la weeraray uu ku jiray saldhig boolis.

‘Waxaa dhintay 11 qof oo ay ku jireen askari booliska ka tirsanaa iyo shaqaale dawladeed’, sidaa waxaa yiri C/Naasir Macalim oo ah guddoomiyaha Degmada Afgooye asagoo u waramaayay warbaahinta.

Lix ka mid ahaa Al-Shabaab ayuu sidoo kale sheegay in halkaa lagu dilay kuwaasoo ka tirsanaa dableydii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Afgooye ayaa 30km u jirta caasimada Muqdisho.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close