XOG: Beesha Caalamka oo diiday inay taageerto maamulka cusub ee Hir-shabeele

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Beesha caalamka ayaa mar kale walaac xoogan ka muujisay kaalintii ay dowladda Somalia ku lahayd doorashadii madax-tinimo ee maamulka Hirshabeele ,taasi oo lagu qabtay magaalada Jowhar todobaadkan .

Ma jiro ilaa iyo hadda war- rasmi ah oo ka soo baxay beesha caalamka oo lagu taageerayo maamulkan ,tan iyo markii la qabtay doorashadii madaxweynaha loogu doortay Cali Cabdulaahi Cosoble.

Xafiisyada ugu sareeya ee taageera xasiloonida Somalia ayaa warbixin ka soo baxday maanta oo arbaco ah looga dalbaday maamulka cusub in uusan wax saamayn ah ku yeelan doorashooyinka dhamaadka sanadkan dhacaya.

Baaq ka kooban sedex qodob ayey beesha caalamka u soo jeedisay maamulkan cusub , oo dhismihiisa uu  soo socday in muddo ah ,waxaana ay kala ahaayeen sida tan.

1: In madaxweynaha la doortay uu xal u helo khilaafaad-yada soo noq-noqday  ee isugu jira kuwa colaadeed iyo kuwa siyaasadeed  ee ka jira gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

2: In Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble uusan wax kaalin  ah ku yeelan doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan dalka ,kana fogaado xiriirka hoose ee kala dhaxeeya Xasan Shiekh oo ah madaxweynaha Somalia.

3: In uu taageero ka helo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah hogaanka Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Ugu danbayn, Doorashadii Hirshabeele ee ka dhacday magaalada Jowhar ayaa la sheegay in aysan ka qayb-galin wax musharaxiin ah oo ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe ,taasi oo shaki galisay habkii ay u dhacday doorashada.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close