XOG CUSUB: Yaa Heshiisiiyay maamulada Puntland & Galmudug!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Itoobiya ayaa sheegtay in saraakiil ka socda Itoobiya ay heshiisiiyeen maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhowaan ku dagaallamay Gaalkacyo.

War lagu qoray bagga ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhinacyda ay qateen heshiiskan nabadeed.

Haseyeeshee, maamulka Galmuudug ayaa beeniyay inay la heshiiyeen ama la hadleen maamulka Puntland.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed, ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in labada dhinac lagu heshiisiiyo, balse weli aysan kulmin.

Waxaa warkan ka soo baxay Itoobiya lagu xusay in Puntland iyo Galmudug ay fullin doonaan heshiis xabbad joojin ah iyo inay ka fogaadaan wax kastoo colaadda kicin kara.

Sidoo kale waxay ku heshiiyeen “in la joojiyo dhismaha suuq xoolo, in garoonka diyaaradaha ee Galmudug uu dib u howlgalo, iyo in la sameeyo guddi wasiiro oo labada dhinac ka kala socda”.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga wasiirada ay ka qeybgalayaan shir laba geesood ah oo ay qaban doonaan hogaamiyayaasha Madasha Qaranka Soomaaliya.

bishii December ee 2015kii ayaa waxaa laba dhinac heshiis kala dhex dhigay dowladda Federaalka.

Dhanka maamulka Puntland weli noomeysan suuragalin inaan wax ka weydiino heshiiskan la qoray.

Sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee UNHCR, ugu yaraan 50,000 oo qof ayaa ka qaxay dagaalkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close