XOG CUSUB: Puntland & Galmudug oo beeniyay in Itoobiya ay Heshiis dhex-dhigtay!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa beeniyeen in Dowladda Itoobiya ay soo dhex-dhigtay heshiis ku aaddan Dagaalladii dhawaan labadan maamul ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur [Taar-dhueed], ayaa sheegtay inay Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya dhex-dhigeen Heshiis hordhac ah oo ku aaddan dagaalladii Gaalkacyo ku dhexmaray. Laakiinse uu jiri doono in mas’uuliyiinta maamulladan la wada-hadalsiiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka Puntland, Cali C/llaahi Warsame, ayaa dhankiisa sheegay inuusan jirin kulan dhexmaray labada maamul iyo Heshiis la Dhex-dhigay. Inkastoo uusan ka hadlin in weli ay xiisadda dagaalka taagan tahay iyo in kale.

gaas-iyo-guuleed

Hadalladan ayaa imaanaya kaddib markii War arrintan ku saabsan lagu Qoray Bogga ay ku leedahay Internet-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Itoobiya lagu sheegay in Dhinacydii ku dagaalamay Gaalkacyo ay qateen heshiis nabadeed.

Warkan kasoo baxay Xukuumadda Itoobiya ayaa lagu xusay in Puntland iyo Galmudug ay fullin doonaan heshiis xabbad-joojin ah iyo in ay ka fogaadaan wax kasta oo colaadda dib u kicin kara.

“Labada maamul waxay ku Heshiiyeen; In la joojiyo dhismaha Maxjar Xoolo, In Garoonka Diyaaradaha ee Galmudug uu dib hawshiisa u billaabo iyo in la sameeyo Guddi heer wasiir ah oo labada maamul ka kala socda,” ayaa lagu yiri warkan ay baahisay Itoobiya.

Qoralka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiga Wasiirrada ah ay ka Qayb-galayaan Kulan laba-geesood ah oo ay u qaban doonto dhawaan Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka Soomaaliya; inkastoo aanay Itoobiya sheegin halka shirkan uu ka dhici doono.

Ugu dambeyntii, Hay’ada Qoxootiga Dunida ee UNHCR ayaa dhawaan waxay baahisay in Colaadihii Magaalada Gaalkacyo ka dhacay ay ku Barakaceen in ka badan 50,000 oo ruux, dhanka kalena lagu dilay 11-qof.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close