Daawo Sawirro: Booliska Boosaaso oo qabtay 16-kartoon Qamri ah oo laga keenay dalka Itoobiya

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Boosaaso (Horumar Online) – Ciidamada Booliska ee ku sugan Koontaroolka laga galo Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa gacanta ku dhigay 16-kartoon oo Khamri ah oo ay ku jiraan 360 Dhalo.

Qamrigan oo Booliska ay ku soo bandhigeen Saldhiga Magaalada Boosaaso, ayaa Saraakiisha ciidamada waxa kale oo ay soo bandhigeen raggii watay ee doonaayay inay ku fasahaadiyaan Shacabka reer Boosaaso.

Yuusuf Axmed Ciise, Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay kartoomada Qamrigaan ku jira inay gaarayaan ilaa 16-kartoon.

Wuxuu sheegay Booliska inay gacanta ku hayaan raggii doonaayay inay ka ganacsadaan qamrigaan ee ka keenay dalka Itoobiya.

kartooman-qamri-boosaaso kartooman-qamri-boosaaso1 kartooman-qamri-boosaaso2 kartooman-qamri-boosaaso3

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys, ayaa ka codsaday Bulshada ku nool Magaalada Boosaaso in Booliska ay la soo socodsiiyaan cidii ka ganacsaneysa Qamri oo ay arkaan.

Waxa uu ugu baaqay laamaha ammaanka inay kala shaqeeyaan suggida ammaanka iyo ka hortagga waxyaabaha Bulshada dhibaatada ku ah.

Qamriga oo ah maandooriye halis ah ayaa inta badan kuwa Somaliya la keeno, waxaa laga keena dalalka Kenya iyo Itoobiya oo Somaliya jaar la’ah.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close