Daawo Sawirro: Muwaadin Soomaaliyeed oo 18 sano si xaq-darro ah xabsi ugu xirnaa oo la sii daayay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Rome (Horumar Online) – Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadin Somaliyeed, ayaa waxaa maanta laga sii daayay xabsi ku yaala dalka Talyaaniga, ka dib muddo 18 sano ah oo si sharci darro uu ugu xirnaa.

Xaashi Cumar Xasan, ayaa si shirqool ah loo geeyay dalkaasi, bishii January ee sanadkii 1998-kii, iyadoo lagu eedeynaayo in uu ka dambeeyay dil bishii January ee sanadkii 1994-kii Magaalada Muqdisho loogu gaystay laba Suxufi, oo u dhashay Talyaaniga.

Tallaabada xabsiga looga sii daayay, ayaa waxay ka dambeysay markii Suxufiyiin Talyaaniga u dhashay, ay ka shaqeeyeen sidii ay xaqiiqda ku soo bandhihi lahaayen, iyagoo dib ula xiriiray ninkii dhibanaha marqaatiga beenta ihi ku furay, oo degan dalka Ingiriiska.

Hooyada dhashay mid ka mid ah labada Suxufi ee lagu dilay Magaalada Muqdisho oo maanta ku sugneyd Maxkamadda, ayaa si diiran u soo dhaweysay in xabsiga laga sii daayo muwaadinkan Somaliyeed, iyadoona horey u sheegtay inaanu ku lug lahayn dilka gabadheeda loogu gaystay Caasimadda Somaliya.

xaashi-cumar-oo-xabsiga-laga-sii-daayay xaashi-cumar-oo-xabsiga-laga-sii-daayay1   xaashi-cumar-oo-xabsiga-laga-sii-daayay4

Xaashi Cumar Xasan oo soo dhaweeyay sii deysmadiisa, ayaa hooyadaasi ku ammaanay dadaalka ay ku bixisay sii deysmadiisa.

Xaashi, ayaa sidoo kale dadka Somaliyeed kaga magadceliyay ka qayb qaadashadooda sidii xabsiga looga soo sii deyn lahaa. Waxaa uu xusay in dadka Somaliyeed la’aantood aanu maanta ka soo bixi lahayn xabsiga.

Xaashi oo la hadlaayay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramnaya dib inuu dalka ugu soo laaban doono, si uu wax kaga qabto kuwii soo shirqoolay.

xaashi-cumar-oo-xabsiga-laga-sii-daayay3xaashi-cumar-oo-xabsiga-laga-sii-daayay2xaashi-cumar-oo-xabsiga-laga-sii-daayay5

Xafiiska Horumar Online, Rome
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close