Deg-Deg: Dagaal ka socda Gaalkacyo & Madaafiic la maqlayo

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Israsaaseyn u dhexeysa Ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland ay ka socoto Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Isku hor fadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa laga Maqlayaa Guud ahaan Magaalada, iyadoo mararka qaar la maqlayo Dhawaqa Hubka Culus oo Labada Dhinaca ay isku ridayaan.

Madaafiic Cul Culus ayaa ku dhaceysa Xaafado ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wuxuu dagaalka Gaalkacyo soconayaa mudo Bil ku dhow. mana jirto wax Xal ah oo wali laga Gaaray Dagaalka u dhexeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Horumar.com

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronlie@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close