DEG-DEG: Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo goor-dhow ka dagay Beledweyne

Filed under: WARARKA MAANTA |

Beledweyne (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle cali cabdu laahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa goordhow ka dagay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee hada Yuusuf Axmed Hagar iyo Gudoomiyihii ka horeeyay Cabdi Fitaax Xasan Afrax.

Sidoo kale waxaa socdaalka ku wehlinaya Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid yahay Xildhibaan Cabdu laahi Goodax Barre oo horay udhaliilsanaa Maamulka Lagu dhisay Jowhar,balse hada wax baa iska badalay Mowqifkiisii hore.

Wafdigan waxaa Beledweyne ku soo dhaweeyay xubno katirsan Maamulka Gobolka,Kan degmada iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Waxaa durbaba loo galbiyay Xarunta Degmada halkaas oo hada ka socdo kulamo ay ALbaabada uxiranyihiin,lama ogo rasmi ahaan waxa ay salka ku hayaan Shirarka socda.

inta uu kusuganyahay Magaalada Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle waxa uu kulamo la qaadan doonaa odayaasha ku usgan wali Beledweyne ee diidan dhismaha Maamulka HirShabeelle.

Warar hoose ay halayso Horumar.com ayaa sheegaya in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif durbaba lagu qanciyay inuu taageero Maamulka Hirshabeelle uuna Goobjoog ka noqdo Caleema Saarka Madaxweynaha iyo kuxigeenka Maamulka loo Sameeyay Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close