Home WARARKA MAANTA Faroole oo ka mid noqday Xubnaha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya

Faroole oo ka mid noqday Xubnaha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya

SHARE

Garoowe (Horumar Online) – Madaxweynihii Hore ee maamulka Puntland,Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku guulaystay xubinimadda Aqalka Sare ee barlamaanka Federaalka soomaaliya, Waxaana uu ku guulaystay Cabdi Madi Abshir Cismaan, oo horey u ahaa xoghaynta Cabdiraxmaan Faroole.

C/raxmaan Faroole ayaa helay 59 Cod, halka musharixii la tartamayay uu helay 5 Cod kaliya, waxaana xumaaday cod kaliya, iyadoo hal xildhibaana uu ka maqnaa codaynta maanta.

Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay natiijadda Cod bixinta, wuxuuna sheegay in C/raxmaan Faroole uu ku guulaystay kursiga Aqalka Sar ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.

” Cod bixintu waxay u dhacday si sax ah, Waxaana ku guulaystay C/raxmaan Faroole, Waana ansaxa” ayuu yiri Siciid Jaamac Qorsheel.

C/raxmaan Faroole oo muddo shan sanno ahaa madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadda 2016ka.

Codaynta doorashadda Aqalka Sare oo si toos ah uga socoto Hoolka Barlamaanka Puntland ayaa sidoo kale waxaa xubinnimada aqalka Sare ku guulaystay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo sidoo kale ah musharax u tartamayay jaggada madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

SHARE