XOG: Cumar C/rashiid oo ku guuleystay kursigii ugu horeeyay aqalka sare BF Somalia ee Puntland

Filed under: WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka haya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guuleystay kursigii 1-aad ee xubinimada kuraasta Aqalka sare ee matalaya Puntland, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Sharma’arke ayaa la tartamayay Aamina Aadan C/llaahi, waxaana uu kaga guuleystay codod aad u badan, iyadoo intii ay socotay tirinta cododka mar kaliya sacab ay isla wada heleen dadkii madasha ku sugnaa oo ay ku jiraan Xildhibaanada.

Inkastoo aan Guddoonka Baarlamaanka Puntland ku dhawaaqin natiijada codka, hadana waxaa muuqata in Cumar C/rashiid uu ka cod badiyay Haweeneyda kula tartameysay Kursiga Beeshiisa Cusmaan Maxameuud ee Xubinimada Aqalka sare.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ay dood ka keeneen Musharaxnimadiisa xilka Aqalka sare, kaddib markii uu ku soo baxay Liiskii uu soo gudbiyay Madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close