Xog: Itoobiya oo Xabsiga dhigtay 1,600 oo Ruux, kaddib markii ay…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Itoobiya (Horumar Online) – Dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay dad gaaraya 1,600 qof tan iyo markii ay dowladda ku dhawaaqday xaalad deg deg ah horraantii bishan. Waxaa sidaasi lagu shaaciyay warbaahinta dowladda xiriirka leh ee Fana Broadcasting Corporate.

Xoogagga ammaanka ayaa sidoo kale soo furtay hub gaaraya 760 oo la bililiqeystay maalmihii la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixintaasi.

Waxaa dadka laga soo qabqabtay gobolada Amxaarada iyo Oromada oo mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda ay dhawaan ka dhaceen.

Kooxah xuquuqda aadanaha ayaa horay u sheegay in 500 oo qof ay ku dhinteen dibedbaxyadii socday isbuucyadii la soo dhaafay.

Dadka ololeeya ee ka tirsan qawmiyadaha Oromo iyo Amxaarada ayaa ka cawda in siyaasadda laga gacan bidixeeyay. Oromada iyo Amxaarada waa 60% bulshada ku dhaqan dalka waxaanay ka cawdaan in awoodu gacanta ugu jirto dabaqad yar oo ka tirsan qawmiyadda Tigray-ga.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close