Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen Ugaas Xasan

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baledweyne (Horumar Online) – Cali C/laahi Cosoble, Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo maalintii labaad booqasho ku joogga Magaalada Baledweyne, ayaa maanta kula kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in si diiran uu u soo dhaweeyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, Ugaas Beesha Xawaadle, oo ay isu heyb yihiin.

Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa yiri “Ugaas Xasan waa Ugaaskeygii, waa Ugaaskii beesha aan aniga ku abtirsado, si wayn oo qurux badan ayuuna ii soo dhaweeyay.”

Madaxweynaha, ayaa ku waramaya in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay ka wada hadleen wixii jiray, isla-markaana uu u sheegay in waxqabadkoodu uun ay eeggi doonaan.

“Waan is aragnay, waan kulanay, waana wada hadalnay. Wixii jirayna wax kale nama uusan oraninee, wax qabadkiina uun baa fiirinaynaa buu yiri, waana intii laga filan lahaa qof walba.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Waxaa uu intaa raaciyay in Ugaas Xasan uu kula dardaarmay in umadda reer Hiiraan ay hesho xaqooda, ka Ugaas ahaana uu u istaagay difaacidda xuquuqda dadka deegaanka.

Cosoble, ayaa carabka ku adkeeyay inaanu jirin cid uu si gaar ihi u diidan yahay Ugaas Xasan amaba uu ula safan yahay, hadafkiisuna uu yahay uun in bulshadu hesho wax ay ku qanci karto.

Xafiiska Horumar Online, Baledweyn
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close