XOG: Dooddii u dambaysay ‘Trump & Clinton’ kee guushu raacday?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Los Vegas (Horumar Online) – Dooddani waxay ahayd mid uu Trump aad u doonayay si ay ugu noqoto fursaddii u dambaysay ee uu ugu qancin lahaa shacabka Maraykanka in ay ku aaminaan madaxtinimada dalka, waxaana ka muuqday murashaxan Jamhuuriga in uu ku dedaalayey in uu kasbado taageero badan.

Wuxuu isku dayey bal in uu si uun iskaga fogeeyo eedaymaha loo soo jeediyey ee ahaa in ay taariikhdiisa ku jirto in uu haweenka af-lagaadeeyo oo si xunna u laaco. Iyada oo natiijada ra’yi ururin uu sameeyay telefishanka doodda qabanayay ee Fox oo muujinaysay in Hillary Clinton, oo xisbigeedu talada dalka hayay siddeed sannadood, in ay isaga kaga haboontahay hogaaminta dalka oo ay “dalka u keeni karto isbeddel togan” ayey ka muuqatay Trump inuu doonayay in uu isu dhigo in uu isagu kaga habboon yahay.

trump-iyo-clinton

Trump ayaa kobla hadlka ka dhex galayay haweenayda ay doodayeen oo xataa wuxuu la murmayay xidhiidhiyihii doodda, waxaanu eedeeyay dad uu ku tilmaamay in ay cadow ku yihiin. Hillary Clinton qudheeda ayuu ku eedeeyay inay beenaley tahay waxa aanu ku sheegay in ay tahay “haweenay xun”.

Wuxu yidhi dumarka igu eedaynaya in aan si xun u laacay waa laba mid uun: in ay doonayaan in dadku bartaan iyo in ay daba dhilif u yihiin Clinton.

Hillary Clinton ayaa iyaduna markii ay hadlaysay waxa ay ka warantay in markii ay iyadu sannadihii todobaataneeyadii u doodaysay xuquuqda caruurta, in Trump qudhiisa ay maxkamad kula jireen dad Maraykanka Madow ah oo ku eedeeyay midab takoor oo uu ka iibin waayay guryo.

Markii ay Clinton iyadoo ah marwada koowaad u doodaysay sagaashameeyadii xuquuqda haweenka, Trump wuxu miisaankeeda ku af-lagaadaynayey gabadh yar oo ka qayb galaysey tartanka quruxda. Markii ay Hillary fadhiday xafiiska lagaga arrinsado xaaladaha adag ee ku yaal Aqalka Cad, oo ay si toos ah ula socotay weerarkii lagu khaarajiyay Usaama Bin Laadin, Trump wuxu xidhiidhinayay barnaamij madadaalo ah oo ka socday telefishanka.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close