DAAWO VIDEO: Ugaas Xasan oo Diiday inuu ka qeybgalo caleema saara Madaxda Hirshabeelle

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Baledweyne (Horumar Online) – Iyadoo Madax kala duwan ay ku sugan yihiin Magaalada Jowhar oo ay ka qaybgalayaan Xaflada Caleemo saarka Madaxda Maamulka Hirshabelle, ayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif wuxuu diiday ka qaybgalka Xaflada Caleemo saarka.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Baledweyne kula hadlay Saxaafadda, ayaa wuxuu sheegay inuusan tageyn Magaalada Jowhar, sidoo kalena uusan ka qaybgaleyn Xaflada Caleemo saarka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-ga

“Waxaa la gaaray anoo Baledweyne dhex taagan oo taagan Hotel Hiiraan in la yiraahdo Xasan Ugaas wuxuu ka soo degay Xamar, Jowhar ayuuna u socdaa, waxaan rabaa inaan cadeeyo Aduunyadana u sheego inaan Baledweyne dhinac uga bixin, Jowharna aanan u socon, horayna waxaan u cadeeyay  inaan Jowhar u socon.” Ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaaska ayaa sheegay Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble inay ka wada hadleen arimo ku aadan dhanka Qabaa’ilka, balse aaney ka wada hadlin arimo ku qotoma Hirshabelle.

“Waxaa kuu soo haray aniga iyo Cali Cabdulaahi kama aynaan wada hadlin arimo Hiiraan iyo Shabelle, laakiin waxaan ka wada hadalnay ar qabiil.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ugaas Xasan.

Ugu dambeyn Ugaaska ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan laga hurinaayo colaad, dadka wadaana ay garanayaan sida uu yiri.

“Mar labaad waxaan ku celinayaa in Hiiraan dhibaato aan caadi aheyn laga wado cida wadana waa la yaqaan waana la isla yaqaan, wixii ka yimaado oo dhibaato ah masuuliyadeeda cidii qaadan doontaa waa la ogaanaa.” Ayuu yiri Ugaas Xasan.

Xafiiska Horumar Online, Baledweyne
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close