Home WARARKA MAANTA Deg-Deg: Dagaal xooggan oo goor-dhow dib uga qarxay Gaalkacyo

Deg-Deg: Dagaal xooggan oo goor-dhow dib uga qarxay Gaalkacyo

SHARE

Gaalkacyo (Horumar Online) – Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya inuu goordhow halkaasi ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Maamulada Galmudug Iyo Puntland oo muddooyinkii dambe isku horfadhiyay Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo ku biloowday rasaas yar yar ayaa isku bedelay dagaal Qaraar oo xoog leh, waxaana la sheegayaa labada dhinac inay isku adeegsanayaan Madaafiic ku kala dhaceysa dhinacyada ay kala joogaan ciidamada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay dagaalka Magaalada Gaalkacyo, xilli uu socday waan waan u dhaxeysa labada dhinac oo ay wadeen Wasiirada Maamulada Galmudug Iyo Puntland, inkastoo Shir ay ku qabteen Wasiiro ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ay sheegeen in la isku fahmi waayay wada hadal dhanka Taleefoonka ah oo labada dhinac dhexmaray.

Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya dagaalka xoogiisa inuu ka socdo Galbeedka Magaaladaasi oo dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hub kala duwan.

Xiisada dagaalka ayaa Mudooyinkan ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo oo rasaas goos goos ah ay isku ridaayeen dhinacyada isku horfadhiya Magaaladaasi Gaalkacyo.

Ilaa hada si dhab ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xoogiisa ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya ciidamada Maamulada Galmudug Iyo Puntland.

Dagaalka ka socda Magaaladaasi ayaa salka ku haaya Dhismaha Maxjarka Puntland ay ka dhiseyso dhul lagu muransan yahay oo ku yaala meel u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Gaalkacyo ayaa waxa ay u kala qaybsan tahay labo dhinac, oo ay ka kala taliyaan Maamulada Galmudug Iyo Puntland.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Horumar.com

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

SHARE