Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar si uu uga qeybgalo…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu tagay Magaaladaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa Jowhar u tagay ka qaybgalka Xaflada Caleemo saarka Madaxda Maamulka Hirshabelle oo lagu wado inay maanta dhacdo.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Saraakiil kale oo Dowladda ka tirsan.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana socota qaban qaabada la xiriirta Xaflada caleemo saarka Madaxda Maamulkaasi.

Sidoo kale Magaalada waxaa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland oo u tagay Jowhar ka qaybgalka Caleemo saarka.

Waxaa la sugaya Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wafdi ka socda Puntland oo la filaayo inay ka qaybgalaan Xaflada Caleemo saarka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close