Home WARARKA MAANTA Maxay tahay Sababta uu isku casilay wasiirkii ka tirsanaa maamulka Galmudug?

Maxay tahay Sababta uu isku casilay wasiirkii ka tirsanaa maamulka Galmudug?

SHARE

Cadaado (Horumar Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaarada Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Gobaledka Galmudug ayaa shaaca ka qaasday  inuu iska casilay xilkii uu u haayay Maamulka Galmudug.

Cabdi Fataax Maxamuud Axmed, Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inuusan jirin culeys uu la kulmay, balse iscasilaadiisa ay salka ku hayso arimo ku aadan shaqsiyadiisa.

Xildhibaanada iyo Wasiirada ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa ah kuwa aanan laheyn macno badan, iyadoo Xildhibaano badan iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ay ku sugan yihiin Muqdisho, dariiqyadana lagu arko iyaga oo lugeynaya.

Iscasilaada uu ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenkaan ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa waxa ay u qorneyd sidan:

U JEEDO Is casilid

Ku Madaxweynaha

Ku- Madaxweyne ku xigeenka

Ku Godoonka Baarlamaanka

Og Wasiirka Wasaaradda

Anigoo ah Abdi Fatah mohamud Ahmed Wasiir ku xigeenka wasaaradda Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Gobaledka Galmudug Waxaan halkaan ku cadaynayaa maanta oo ay ku beegan tahy 22/10 2016 in aan Iska casilay xilikii wasiirnimo ee aan u hayay shacabka iyo Xukuumada Galmudug Dhabtii iyadoo aan wax dhibaa to ah aan jirin ayaan xilkaasi isaga casilayaa arimo Shaqsiyadeed waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Maamulka in la iga aqbalo soo jeedintaydda ku aadan is casilidaydda :

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maamulka Galmudug, wuxuu ka dhigay mid fadhiid ah oo aan horay u socod laheyn.

Xafiiska Horumar Online, Cadaado
Horumaronline@gmail.com

SHARE