Taliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ‘Koofi’ oo jawaab kulul ka bixiyay eedeymo loo jeediyay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Taliyaha Waaxda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka Somaliya, ayaa ka jawaabay eedeymo ku aadan in dadka Qurbajoogta ah ee ka soo dega Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ay la kulmaan culeys dheeri ah oo aysan la kulmin dadka kale.

Maxamed Aadan Koofi, Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliya ayaa sheegay inuusan jirin culeys dheeri ah oo la saaro dadka Qurbajoogta ah, balse hubin adag lagu sameeyo Dukumintiyada ay wataan.

Waxa uu sheegay inaysan hada jirin dhib gaar ah oo loo geysto, balse arimaha taagan ay tahay hubinta Dukumintiyada ay wataan dadka Qurbajoogta ah ee dalka soo galaya.

Maxamed Aadan Koofi, ayaa sheegay waajib dastuuri ah inay tahay hubinta sharciyada dal ku galka ah ee ay u wada siman yihiin dal joog iyo Qurba joog intaba.

“Waa waajib Dastuuri ah in la hubiyo qof waliba oo muwaadin ah sharciyada dalka ku galka ah ee u uwato, cid gaar ah oo xilligaan culeys la saaray malahan, qurba joog iyo dal joog intaba waa ay u siman yihiin.” Ayuu yiri Koofi oo la hadlay BBC.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay inuusan jirin sharci gaar ah oo culeys saaraya dadka Qurbajoogta ah oo la soo kordhiyay, balse ay yihiin wax waliba sidii hore sharciyadii horena si aad ah loo adkeeyay.

Hadalka ka soo yeeray Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dadka Qurbaha ka imaanaya ay ka cabanayaan lacago fara badan oo Garoonka Aadan Cadde looga qaado.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close