XOG CUSUB: Ganacsato Taageera siiya Ururka Al-Shabaab oo la qabtay!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Mandheera (Horumar Online) – Maamulka Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in qaar kamid ah ganacsatada Gobolkaasi ay taageero siiyaan Ururka Al-shabaab oo weeraro ka geysta Gobolkaasi.

Fredrick Shisia oo ah Taliyaha Booliska Mandhera oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay hayaan xogo sheegaya ganacsato ku sugan gobolka Waqooyi Bari in taageero dhan walbo ah ay siiyaan Al-Shabaab.

Ganacsatada qaarkood ee arrintan lagu tuhmayo ayuu sheegay Taliyaha inay ku hayaan baaritaan, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan iyaga oo caddeyn lagu hayo ay soo qaban doonaan.

Taliyaha ayaa uga digey shacabka Kenya, gaar ahaan kuwa Waqooyin bari inay taageeraan Shabaab oo weeraro dad badan lagu dilay horay uga fuliyay Gobolka Waqooyi Bari.

“Waan ka digeynaa in la taageero Al-shabaab, waxaan haynaa macluumaad sheegaya in ganacsato ay taageero siiso argagaxisada, sidaasi darteed baaritaanno baa socda cidda caddeymo lagu helana caddaaladda ayaa la waafajinayaa.” Ayuu yiri Taliyaha.

Al-Shabaab ayaa marar badan waxay weeraro ka geysatay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari oo ay Somali deggan yihiin.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close