XOG: Mid ka mid ah furayaashii markabkii ‘TITANIC’ la iibinayo

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

London (Horumar Online) – Furihii qeybtii ay ku xareysnaayeen jaakadaha dabaasha ee Markabkii Titanic ayaa maanta oo sabti ah lagu iibinayaa dalka Britain.

Furahaasi wuxuu ka mid yahay waxyaabaha xusuusta ah ee ka haray musiibadii Titanic.

Furaha waxaa la filayaa in lagu iibiyo ugu dambeyn 35 kun oo dollar.

Waxaa sidoo kale la iibinayaa sawirka kabtankii markabkaasi, Edward Smith.

Kabtanka wuxuu ka mid ahaa 1500 oo qof oo ku dhimatay Markabkii Titanic oo badda ku degay 1912kii.

furaha-titanic

Markabka ayaa kala jabay kaddib markii uu ku dhacay Baraf weyn, xilli uu marayay koofurta badda Atlantic.

Xafiiska Horumar Online, London
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close