AMISOM oo Madaafiic ku garaacday qeybo ka mid ah G/Sh/Hoose

Filed under: WARARKA MAANTA |

Janaale (Horumar Online) – Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika ee Amisom tiro madaafiic ah ay ku garaaceen deegaan hoostagga Deegaanka Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Madaafiicda ayaa Ciidanka Amisom waxa ay ku garaaceen deegaanka abanaana oo hoostagga Janaale, waxaana la sheegay inuu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta gudaha.

Madaafiicda ayaa la sheegay inay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad rayid ah oo saddex guri ah, taasi oo keentay Khasaare hantiyadeed iyo mid nafeed intaba inay ka dhalato.

Labo ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Madaafiicdaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo rayidka ka soo gaaray duqeynta, balse lama haayo tirada dadka waxyeelada ay ka soo gaartay.

Madaafiicda Amisom ay ku duqeeyeen deegaanka abanaana, ayaa la sheegay inay ka soo tuureen Saldhiga Ciidanka Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Buufow.

Xilliga Amisom Madaafiicda xalay ay ku garaacayeen deegaanka abanaana, ayaa la sheegay xubno Shabaab ka tirsan inay halkaasi dhaq-dhaqaaq ay ka wadeen, taasi oo keentay in ciidamada Amisom ay ridaan Madaafiic cabsi gelin iyo bartilmaameed isugu jirta.

Dhowr mar ciidamada Amisom sidan oo kale waxa ay ugu laayeen dad shacab ah Madaafiic ay ku garaaceen Deegaano hoostagga Deegaanka Janaale.

Al Shabaab ayaa ku sugan Deegaanka Janaale, halkaasi oo ay ka qorsheeyaan weerarada ay ku qaadaan Saldhiga ciidamada Amisom ee Deegaanka Buufow, Gobolka Shabellaha hoose.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horunaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close