SAWIRRO: Axmed Madoobe oo gaaray Isutaga Imaaraadka Carabta

Filed under: WARARKA MAANTA |

Abu Dhabi (Horumar Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Somaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa gaarey magaalada Abu dhabi ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi ayaa waxaa kusoo dhaweeyey safiirka Imaaraadka carabta u fadhiya Somaliya Maxamed Al.Cuthmani iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Imaaraatka carabta.

Safarkan uu madaxweynuhu kutagey Abu dhabi ayay ujeedadiisu tahay kawada xaajoodka dhamaystirka mashaariic horUmarineed oo ay Imaaraatka carabtu kawadaan Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo sida dib u dhiska Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo , Xarunta tababarka ciidamada iyo goobo waxbarasho oo dhismahoodu gabo gabo marayo oo muhiim u ah bulshada magaalada Kismaayo.

Maadaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu safarkiisa soo gaabin doono maadaama waqtigii doorashada dalku ay gabo gabo mareyso .

Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah Dowladaha taageerada kala duwan siiya Somaliya, iyadoo xilligaan Imaaraadka ay bixiyaan qayb ka mid ah Mushaaraadka ciidanka Xooga dalka Somaliya.

Jubbaland iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, iyadoo dhowr mar Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliya uu tagay Magaalada Kismaayo.

axmed-madoobe-oo-imaaraadka-tagay axmed-madoobe-oo-imaaraadka-tagay1 axmed-madoobe-oo-imaaraadka-tagay2

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close