UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Deg. Afmadow

Filed under: WARARKA MAANTA |

Afmadow (Horumar Online) – Shacabka ku dhaqan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay si wayn u hadalhayan dagaalkii xooganaa, ee xalay Xoogaga Ururka Al Shabaab ku galeen Degmadaasi.

Shabaabka, ayaa Degmada Afmadow kula dagaalamay Ciidamada Maamulka Jubbaland, iyadoo muddo kooban ay si buuxdo ugala wareegeen gacan ku haynta Degmadaasi.

Shabaabka, ayaa intii ay haysteen waxay ka sameeyeen hawlgal ay ku galeen Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo goobaha kale ay Saraakiishu ka degan yihiin Afmadow.

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab oo saakay dib uga baxay Degmada Afmadow, ayaa waxay nolosha ku kaxeysteen laba nin, oo middi uu yahay askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland, halka midka kalana uu rayid yahay. Ninka rayidka waxay ku eedeynayan in uu la shaqaynaayay Ciidamada Jubbaland.

Muuse Macalin Aadan, Gudoomiyaha Degmada Afmadow, ayaa isagu beeniyay in mintidiintu la wareegtay gacan ku haynta Degmadiisa, balse dadka deegaanku waxay ku sheegayan in Al Qaacidada Somaliya ay xalay si buuxdo ula wareegtay gacan ku haynta Afmadow.

Gudoomiyaha oo la hadlay VOA, ayaa tilmaamay Shabaabka oo watay 13 gaadiid ah in illaa saddex jeer ay soo weerareen Afmadow, laakiin sida uu sheegay ay ku hungowbeen inay qabsadaan.

Muuse Macalin, ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka ay ku dhinteen saddex ruux, oo laba ka midda uu ku sheegay Ciidamadii Jubbaland ee la soo weeraray, halka qofka kalana uu ku sheegay haweeney da’ ahayd, oo ku geeriyootay rasaastii dagaalka leesku adeegsaday.

Waxaa adag in macluumaad dhab ihi laga helo khasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray mintidiinta Ururka Al Shabaab, balse waxaa jira warar sheegaya in meydad ay ku aaseen duleedyada Afmadow, intii ay dib u gurashada ku guda jireen.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close