Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xamad oo geeriyooday

Filed under: WARARKA MAANTA |

Qadar (Horumar Online) – Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khalifa Bin Xamad Al-Thani, ayaa geeriyooday, sida ay shaacisay Dowladda Qadar, waxa uu ku geeriyooday Amiirkii hore Magaalada Doxa ee caasimada dalkaasi.

Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani oo ah Amiirka hadda talada haya isla markaana ah wiil uu awoow u yahay Sheekh Khalifa ayaa saddex maalmood oo baroordiiq ah uga dhawaaqay dalkaasi.

Sheekh Khalifa, ayaa geeriyooday isaga oo jira da’da 84-sano jir, waxaana uu u geeriyooday xanuuno haayay.

Sheekh Khalifa ayaa xilka qabtay sanadkii 1972 kaddib markii dalkaasi uu xorriyaddiisa ka qaatay Britain waxa uuna dalkaasi xukumayay tan iyo sanadkii 1995, xilligaasi oo wiilkiisa uu afgambiyay isaga oo fasax ugu maqan dalka Switzerland.

Maamulka Qasriga boqortooyada dalka Qadar ayaa shaaciyay in marxuumkaasi loo sameyn doono aas qaran,isla markaana muddo 3-cisho ah dalka ay ka dhacayaan baroor-diiq.

Amiirka hadda ka taliiya dalkaasi Tamiim bin Xamdi Al Tani oo isna xukunka dalkaasi la wareegay 2013kii waxaa dhalay Amiirka geeriyooday.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronlie@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close