Ciidamada Itoobiya ee ku sugan G/Hiiraan oo isugu tagaya Baledweyne

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baledweyne (Horumar Online) – Sida ay sheegayaan wararka aynu heleyno, Ciidamada Itoobiya ayaa howlgallo ka wado degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan halkaasoo la soo sheegayo in ciidamada ay diideen isa socodka dadweynaha iyo baabuurta.

Ciidamadani Itoobiya ayaa ah kuwii shalay isaga soo baxay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kuwaasoo ku sii jeeda magaalada Baladweyne.

Wararka ka imaanaya degaannada Nuur Fanax iyo Garasyaani ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ka wadaan howlgallo.

Degaannada qaar waxaa ku sugnaa Alshabaab oo la soo sheegayo inay isaga baxayeen markii ay ku sii socdaan ciidamada huwanta ah.

ciidamada-itoobiya-ee-gobolka-hiiraan

Dadka degaanka ayaa Horumar.com u xaqiijiyay in xaaladda degaanno duleedka kaga beegan Baladweyne ay ciidamada ka wadaan howlgallo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ciidamadani Itoobiya iyo kuwa dowladda ee ka soo baxay degaanka Halgan ay ku socdaan jihada magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ayaa dhowaan waxaa gaaray ciidamadii dowladda iyo kuwii Itoobiya ee AMISOM ee isaga soo baxay degaanka Ceelcali ee isla gobolkaasi Hiiraan.

Wararka aanu heleyno ayaa waxa ay intaasi kusii darayaan in Ciidamadan ay kusii jeedaan Dalkooda oo Mudo ay ka taagantahay xiisado ka dhashay Banaanbaxyo ay Sameeyen Qowmiyada Oromada ee Dalka Itoobiya.

Dowladda itoobiya ayaa isku diyaarineysa iney xoog ku xaliso xiisadaha Dalkeeda ka ataagan waxeyna dhawaan Xirtay Internetka Dalkaasi kadib markii ay soo rogtay Bandoow Soocnaya Mudo ay ku sheegtay Lix Biloow.

Ciidamada Soomaalida oo aan Dowladdooda ka heysan taageero buuxda ayaan awood buuxda uleheyn iney kusii nagaadaan goobaha ay baneeyaan Ciidanka AMisom,waxey horay usi raacaan Ciidamada ay la joogaan halka ay qabteen.

Xafiiska Horumar Online, Baledweyne
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close