DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland ”Gaalkacyo waxaa looga soo duulay Xamar”!

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Boosaaso (Horumar Online) – Madaxweynaha  maamulka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta  tegay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa si kulul uga hadlay dagaalka ka socda Gaalkacyo.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa safar shaqo kaga yimid dalalka Itoobiya iyo Isutaga Imaaraatka carabta halkaasoo uu ku sugnaa muddo sagaal maalmood ah kadib casumaad uu ka helay Madaxda dalalkaas.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u sheegay saxaafada in safarada uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Isutaga Imaaraatka carabta uu ahaa socdaal la xiriiray kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayuu sheegay in dalku xiligan marayo marxalad adag oo magaalada Gaalkacyo laga wado dagaalo.

Wuxuu sheegay in dagaaladan aysan ahayn meesha laga soo abaabulay degmada Cadaado balse laga soo abaabulay magaalada Xamar iyadoona lug weyn ku leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“ Cadow mar walba duulaan kugu ah, ma aqan si wax lala dhisanayo oo dowladd lala wadaagayo “ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa baaq u diray shacabka Puntland,isagoona u sheegay in looga baahan yahay iney ilaashadaan amnigooda isla markaana ay difaacdaan dalkooda kana shaqeeyaan midnimada Soomaaliya.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay iney doonayaan deris wanaag,midnimo iyo maamul walbana uu dhankiisa u horumaro oo laga shaqeeyo midnimada Soomaaliyeed.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close