Home WARARKA MAANTA SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Gaalkacyo

SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Gaalkacyo

SHARE

Gaalkacyo (Horumar Online) – Waxaa Faahfaahin cusub kasoo baxaya dagaal waaberigii saaka oo Isniin ah ka bilowday galbeedka magaalada Gaalkacyo , kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Khasaaraha dagaalka ayaanan si dhab ah loo ogaan Karin, maadaama wali dagaalka uu ka socdo galbeedka magaalada, wallow uu u muuqdo mid  ka yara dagan sidii uu ku bilowday.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux oo dhaawacyo qaba ayaa la dhigay isbitaalada ku yaala magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ku dhaawacmay dagaalkii saaka ka bilowday magaalada duleedkeeda.

Waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas googoos ah oo labada dhinac isweydaarsanayaan, waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen iney magaalada isaga sii cararaan.

Sawiro laga soo qaaday magaalada waxay muujinayaan dad badan oo barakayaca iyo goobo ay waxyeeleeyeen madaafiicda labada dhinac isweydaarsanayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiil ciidan ay ku dhinteen dagaalka saaka ka bilowday magaalada Gaalkacyo, inkastoo aan faahfaahin laga heyn.

madfac-ku-dhacay-xaafadda-garsoor1 madfac-ku-dhacay-xaafadda-garsoor dagaalka-gaalkacyo

Wixii ku soo kordha dagaalka kala soco Horumar.com.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

SHARE