XOG: Maxaa jira in Basaska magaalada Nairobi la isku dhex baarto?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Dadweynaha Kenya oo adeegsanaya halhayska #StopMatatuMenace ee Twitter ka ayaa ku baaqay in la xaqdhowro haweenka iyo in la hirgaliyo sharciyada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Matatu-ga.

Baaqani wuxu soo baxay ka dib markii warbaahintu sheegtay in dirawal iyo shaqaalihiisii ay sida la sheegay faraxumeeyeen haweenay oo ay damceen inta ay daroogo ku mudaaan hadana kufsadaan.

Haweenayda oo magaceeda lagu sheegay Caroline Karimi Mwari ayaa dhibtii qabsatay ku soo bandhigtay oo kaga warantay baraha internet-ka ee bulshada ka dibna ay halkaa warbaahinta kale ka soo xigatay markii warku soo baxayna ay boolisku xidheen ninkii falkaa lagu eedeeyay.

Isagu weli kama uu hadal eedaha loo haysto.

Marwo Mwari ayaa sheegtay in ay ragga baska watay u diideen in ay gaadhiga ka degto oo ay koox rag ah oo baabuurka saarnaa boobeen.

Mid ka mid ah shaqaalah baska ayaa isku dayay inuu irbad ku mudo sida ay sheegtay waxa ku jiray ay aaminsantahay in ay ahaayeen sun.

Waxa kale oo soo baxay dumar kale oo ka waramay dhibta haweenaydan qabsatay mid la mid ah in ay la kulmeen.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close