XOG: Maxaa ka jira in dagaalka Gaalkacyo uu ka dambeeyo M/weynaha Puntland?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo colaado ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Suldaan Cabdi Casiis Cumar Daad (Bayle) oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyed, ayaa sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas inuu yahay shaqsiga hurinaayo colaada ka taagan Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay dagaal sidiisaba inuu ku dhinto wiil, balse aanu ku dhalan, isaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Gaas inuu joojiyo colaada oo ka hurinaayo Magaalada Gaalkacyo.

Colaadda Gaalkacyo waxaa abaabulaya waa Cabdiweli Gaas waxa weeye dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta waxaan ka digayaa in colaadda Gaalkacyo ay sii socoto waxaana leeyahay Gaasow jooji dagaalka.” ayuu yiri Suldaan Cabdicasiis Beyle.

Maamulka Puntland ayaa mar waliba Dowladda Federalka Somaliya ku eedeysa inay ka dambeyso colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo, hayeeshe eedeyntaasi ayaanan waxba ka jirin, maadaama Dowladda Somaliya ay iska diiday inay ku lug leedahay dagaalada Gaalkacyo.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa salka ku haayo dhul banaan oo labada Maamul u dhaxeeya oo Puntland ay ka dhistay Maxjar Xoolo, taasi oo ka careysiisay Maamulka Galmudug, dagaalkana sidaasi uu ku biloowday.

Masuuliyada dagaalka Khasaaraha geystay ee ciidamada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo ayaa looga fadhiyaa inay qaadaan dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close