XOG: Sarkaal ka tirsan Nabad-sugidda oo la dilay & Al-Shabaab oo sheegatay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Kooxo hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ayaa xalay fiidkii waxa ay ku toogteen Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya, kaasi oo ku sugnaa Degmada Waaberi.

Sarkaalka la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray C/casiis Maxamed Mukhtaar (Caraaye), waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ninkaan uu ka tirsanaa Saraakiisha Nabad Suggida Somaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka Sarkaalkaasi ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya, iyadoo ay sheegeen inay sii wadi doonaan bartilmaameedka Saraakiisha ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Kooxihii hubeysnaa ee Bistooladaha watay ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen ee Degmada Waaberi, waxaana halkaasi tagay ciidamo kale oo Dowladda ka tirsan oo Baaritaano halkaasi ka sameeyay.

Degmada Waaberi, ayaa badi waxaa lagu beegsadaa Saraakiisha ciidanka iyo Shaqsiyaadka kale ee ka shaqeeya Wasaaradaha Xukuumadda Somaliya.

Ururka Al Shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Dowladda oo wadooyinka Magaalada Muqdisho taag taagan ayaa Al-Shabaab waxa ay fuliyaan dilalka qorsheysan, inkastoo Xoogaga Shabaab ay dareemayaan culeys ku aadan ciidanka howlgalada ay fuliyaan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close