DHAGEYSO: Puntland oo si caro leh uga hadashay dagaalka ay kula jirto Shabaab, Daacish iyo Galmudug

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Maamulka Puntland ayaa goor-dhow ka hadlay wararka ku aadan in dagaalyano gaaraya 100-askari oo ka tirsan daacish-ta Soomaliya in ay la wareegeen degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne oo goordhawey warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal  ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay inay iska difaacdo duulaan kasta oo kaga yimaada dhinacyada kasoo horjeeda hormarka Puntland.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Guddoomiye Faraweyne wuxuu sheegay Puntland inay si degdeg ah u xoraynayso degmada Qandala ee gobolka Bari islamarlaana ay filayeen in daacish sameynayso iskudayo nuucaas oo kala ah ay ku doonayso in ay kula wareegto deeganada Maamulka puntland.

cumar-faraweyne_horumar_online

Magaalooyinka Qandala iyo Gaalkacyo way noosoo siman yihiin haddaanu nahaynu shacabka reer Puntlad iyo maamulkooda waxaa naga go’an inaan dhulkeena iyo ciideena ka xorayno kana difaacno Shabaab, Daacish iyo Galmudug,” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Garowe.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inuu Dagaalada ka socda halkaasi uu ka dambeeyo.

Si kastaba ahaatee, waxa aheyd barqanimadii maanta markii dagaalyahano ka tirsan daacish-ta Soomaliya ay la wareegeen degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close