Guddoomiyihii G/Hiiraan oo xilka ka qaaday & mid cusub oo la magacaabay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Hiiraan (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble,  ayaa waxaa uu si rasmi ah uu xilka uga xayuubiyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf, Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Madaxweynaha Hirshabelle oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Jowhar, ayaa wuxuu xilkaasi uu si ku meel gaar ah uu ugu magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sidoo kale waxaa uu magacaabay guddi ka shaqeeya arrimaha ammaanka ee Gobolka Hiiraan.

Guddigan, ayaa waxay kala yihiin:

S/guuto Cumar Aadan Dhabad
G/Sare Tawane Axmed Muxumad
G/sare Isaaq Cali Cabdulle
G/sare Isaaq Cismaan Idiris
G/sare Axmed Cabdi Weheliye
G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle
Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim

Waa tallaabadii ugu horeysay oo uu horey u qaaday Madaxweyne Cosoble, tan iyo weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee shalay ka dhacay Magaalada Baledweyne Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close