Koonfur Galbeed: DF Somalia ayaa wax laga weydiinaa sababta Ciidamada Itoobiya uga baxeen Tiyeglow, Bakool

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si caro leh waxa ay uga hadleen ka bixitaanka ciidamada Itoobiya Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool, halkaasi oo saaka gacan ku haynteeda ay la wareegeen Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Dhaqan celinta iyo hub ka dhigista Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay oo la hadlay Warbaahinta Risaala, ayaa sheegay Dowladda Somaliya in wax laga weydiinaayo sababta ciidamada Itoobiya ay uga baxeen Tiyeglow.

Waxa uu sheegay Wasiirka Ciidamada Itoobiya soo gelistooda dalka, markii hore inay ogolaatay Dowladda Somaliya, xilligan oo ay ka baxeyso Degmooyinka qaar ee Koonfur Galbeed inaan lagu wargelin Dowladda Somaliya.

“Soo gelintaanka ciidamada Itoobiyaha gudaha Somaliya Dowladda ayaa markii hore ogolaatay, oo Mandate ayeey ku soo galeen, hadana ka bixistooda masuuliyadaas Dowladda Somaliya ayaa la weydiinayaa, anaga Koonfur Galbeed ahaan aad ayaan uga xunahay inay cidleeyaan Degmooyinkii ay joogeen ciidamada Itoobiya.” Ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen.

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay hada diyaarinayso ciidamo ka tirsan Maamulkooda oo ku duula Degmada Tiyeglow, si gacanta Shabaab looga saaro Degmadaasi.

Xaalada Degmada Tiyeglow ayaa degan, waxaana Maamulaya Magaaladaasi ciidamada Al Shabaab oo saaka gudaha ugalay kadib markii halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii Dowladda Itoobiya.

Itoobiya oo aanan ilaa hada la ogeyn sababta ay uga baxeyso Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada dalka Somaliya, ayaa taasi waxa ay fursad fiican u noqonaysaa Ururka Al Shabaab.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close