UPDATE: Daacish oo qabsatay degmo ka tirsan maamulka Puntland

Filed under: WARARKA MAANTA |

Qandala (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubeysan ay qabsadeen xarumihii maamulka ee deegaanka aroornimadii saaka oo Arbaco ah.

Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamad Khuurshe ayaa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ee u sheegay in koox ka tirsan ururka isku magacaabay khilaafada islaamka (DAACISH) ay saaka si nabad ah kula wareegeen degmada uu gudoomiyaha ka yahay ee Qandala.

Jaamac Maxamed Khuurshe, ayaa sheegay in dableyda qabsatay magaalada ay gaarayaan tobaneeyo qof.

Kooxda Daacish ayaanan ku xoog badneyn Soomaaliya, balse waxaa jiro dagaal yahano ka mid ahaan jiray maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab oo ku biiray ururkaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Horumar.com, Insha allaah.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close