UPDATE: Madaxweynaha Puntland oo Shir deg-deg ah isugu yeeray Saraakiisha Ammaanka

Filed under: WARARKA MAANTA |

Boosaaso (Horumar Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Dr, Cabdiweli Gaas, ayaa goor-dhow shir deg deg ah isugu yeeray Taliyayaasha iyo Saraakiisha laamaha amniga maamulka Puntland.

Ujeedka Shirkani deg-dega ah ayuu ula gol leeyahay ka jawaabida duulaanka ay Daacishta Soomaalia ku qabsatay Deegaanka Qandala ee Gobolka Bari.

Shirkani diiradda lagu saarayaa xaalka Amni ee Gobolka, kadib markii Daacishta Soomaaliya ee daacada u ah Sheekh C/qaadir Muumin ay isku sii fidiyeen degmada Qandala ee Gobolka bari taas oo Boosaaso qiyaastii u jirta 75KM.

Saxaafada ayaa banaan joog ka ah Shirkani, waxaana lagu wadaa in shirka socda laga soo saaro go’aano ku aadan sida ay Puntland u wajahi laheyd maleeshiyaadka qabsaday deegaanka Qandala.

Maleeshiyaadka la wareegay Deegaanka ayaa la sheegay inay wataan gaadiid Dagaal oo kor u dhaafaya ilaa Shan gaari iyo kuwa raaxada oo ay saaran yihiin Dagaalyahaano caadi ah.

Dagaalyahaanada la wareegtay deegaankaasi ayaa la xaqiijiyay in ay Kor u dhaafeyaan 80 dagaalyahanno.

Dadka Magaalada Qandala ayaa sheegay in Kooxda la wareegtay Degaanka Qandala ay Bartamaha Magaalada ka Taageen Calanka Ururka Daacish, kuwaasi oo dadka ku amray in aysan Barakac sameyn.

Maamulka Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Koox Taageersan Daacish ay la wareegeen Degaanka Qandala ee Gobolka bari.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ay soo wajahday, waxaana dadka qaar ay ka barakaceen guryahooda.

Isku soo wad-duub, Ciidamada maamulka Puntland ayaa jawaab ka sugaya Shirka hadda socda oo uu Hoggaaminaayo Madxaweynaha Maamulka Puntland Mudane Cabdiwali Cali Gaas.

Kala soco wixii ka soo baxa shirkan Horumar.com

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close