UPDATE: Sarkaal sare oo caawa lagu Dilay magaalada Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Koox Hubeysan  ayaa caawa Salaadii Maqrib kaddib Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dishay Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Sarkaalka lagu dilay Degmada Hodan  waxaa lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Degen Xerada Laanta Buuro ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxdii Dilka geysatay oo la sheegay in ay ahaayeen Bastooladleey ayaa markiiba Goobta ka baxsaday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal Qorsheysan oo loo geysto Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Dad  kale oo aan Dowladda la shaqeyn.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close