Wararkii ugu dambeeyay Howlgal xooggan oo ka socda Baledweyne

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baledweyne (Horumar Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Amisom ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo shalay uu ka dhacay qarax xooggan.

Ciidamadan ayaa baarayey xaafado ka tirsan magaalada B/weyne, waxaana lasoo sheegayaa iney jiraan dad lagu qabtay howlgalka, balse tiro ahaan dadkaasi lama sheegin inta ay la egyihiin.

Saraakiisha howlgalkaan horkaceysay qaarkood ayaa inoo sheegay in ula jeedkoodu tahay sugidda amniga guud ee magaalada B/weyne iyo hadii ay jiraan dad Shabaab ka tirsan oo gudaha Magaalada ku dhuumaaleysanaayay.

Saraakiisha ayaa sheegay intii ay wadeen howlgalka inay jiraan dad ay gacanta ku soo dhigeen, kuwaasi oo hada baaris kala duwan ay ku socoto.

Qarax aad u xoogan ayaa shalay lagu weeraray saldhigga ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada B/weyne, gaar ahaan xaafadda Howlwadaag, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al Shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadayaan qaraxyada ay la beegsanayaan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom.

Saakay, xaaladda guud ee magaalada B/weyne waa mid deggan, waxaana si caadi ah u socda adeegyadii bulshada.

Xafiiska Horumar Online, Baledweyne
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close