XOG: Haween Soomaaliyed oo xiriir la leh Al-Shabaab oo lagu xiray Mareykanka

Filed under: WARARKA MAANTA |

Virginia (Horumar Online) – Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa mar kale waxaa ka soo hor muuqday haween Somaliyed oo lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab ee ka dagaalanta Geeska Afrika.

Muno Cusman Jamaac, oo ah 36 sano jir , iyo Hinda cusman Dhirane, oo 46 sano jir ah ayey Maxkamada bariga gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku heshay danbi ah in ay taageero u fidiyaan Al-Shabaab , islamarkaana ay lacag badan ay u soo direen gudaha dalka Somaliya.

Haweenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay abaabuleen koox haween ah , kuwaas oo ku sugnaa meelo kala duwan oo Caalamka ah ,islamarkaana ay soo aruuriyeen dhaqaalo lagu taageeraayo Al-Shabaab.

Muna Cusman Jama, oo ka mid aheyd Somalida degan magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Cusman Dhiirane, oo daganayd degmada Kent ee gobolka Washington, ayaa labaduba la xiray bishii July ee sanadki 2014, isla waqtigaas waxaa la xiray Gabar lagu magacaabo Farxiyo Xassan oo ay xabsiga u taxaabeen booliska dalka Holland , Waxaana lagu eedeeyay in ay ka mid aheyd kooxda ay abaabuleen haweenkaasi.

Xukunka ugu dambeeya ee labadani haween ee asalkoodu Soomaaliga yahay ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Janaayo ee sanadka soo aadan.

Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa lagu Maxkamadeyaa haween Soomaaliyeed iyo sidoo kale dhalinyaro lagu eedeeyay in ay taageero u fidiyeen Al-Shabaab.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close