DHAGEYSO: Hooyo Soomaaliyeed oo Wiilkeeda London lagu dilay oo dhacdo murugo leh ka hadashay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

London (Horumar Online) – Boqolaal Soomaali ah ayaa Banaanbax ka dhigay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, kuwaasoo si wayn uga hadlay Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Jamaal Maxamuud oo lagu dilay Xabsi ku yaala Dalka Ingiriiska, waxayna Banaanbaxa ka hordhigeen Wasaarada Cadaalada.

Hooyo Xaawo Cabdiraxmaan Xirso oo ah Hooyada dhashay Wiilka la dilay ayaa sheegtay in Wiilkeeda Xaqdaro lagu dilay, Markii horana Lagu xiray Xaqdaro, Waxayna sheegtay in markii hore ay moodaysay in Wiilkeedu uu joogo meel Nabad ah.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA HOOYADA SOOMAALIYEED

Waxay ka warantay Dhacdooyin ay la Kulmi Jirtay marka ay soo Booqoto Wiilkeeda, “Marka aan soo Booqdo Si Xun ayaa la ii Baari Jiray, Timahayga ayaa la Fur-furi jiray, EEY ayaa la i marsiin jiray, Laakiin waan ku Faraxsanaa inaan Wiilkayga soo Arko” ayay tiri.

Hooyadaan Soomaaliyeed, ayaa sheegtay inaan loo soo sheegin markii Wiilkeeda uu dhintay, Sidoo kalana aan wax Faah faahin ah laga siin.

Sidoo kale, waxay sheegtay in uu wiilkeedu Jiray 21-sano, Iyadoona uu hada ka tagay Xaas ay isku da’yihiin iyo Ilo-mar oo Jira 10-Bilood.

Xafiiska Horumar Onine, London-UK
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close